diyaarada dagaal oo laga leeyahay dalka syria ayaa duqayn u gaystay deegaano ku yaal xuduuda ay wadaagaan wadama Syria iyo turkey.
diyaarada dagaal oo laga leeyahay dalka syria ayaa duqayn u gaystay deegaano ku yaal xuduuda ay wadaagaan wadama Syria iyo turkey.
Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa soo xiganayay dad rayid ah oo argagax ka muuqanayo oo cagtooda maalaya meel aan sidaa oga dheerayn xuduuda turkiya ay wadaan Syria halkaasi oo dadku aysan dhaafi Karin kadib markii ciidamada turkigu ku wareejiyeen Siliga aan la dhaafikarin.
Ma jiraan warar dheeri ah oo la xiriira doqayntaasi oo ka soo baxaya deegaanka Atimah oo ay duqeeyeen diyaarada nuuceedu yahay A MiG-21 .
Magaalada Atimah ayaa deegaano ay xoog ku leeyihiin Mucaaradka dagaalka ba,an ku haya dowlada Syria isla markaana ay ku soo barakaceen sida qaramada midoobey sheegtay inka badan 10.000 oo dad rayid ah kuwaasi oo ka soo cararay goobo dagaalo ka socdaan .
Dagaalkan ka socda Syria ayaa lasheegayaa in uu galaaftay nolosha inka badan 37.000 oo qof ilaa bilowgii dagaalka sida ay sheegayaa hay,ada xaquuqul insaanka sheegayaan waxaana wali sii socona dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka mucaaradka iyo Ciidamada Dowlada Asad
STN RADIO
