Cristiano Ronaldo oo 1.50 Milyan oo Euro ugu deeqay dadka reer Falastiin

Cristiano Ronaldo oo ka mid ah xidigaha caalamka ugu magaca weyn ayaa wuxuu qorsheynayaa in uu 1.50 Milyan oo Euro uu ugu deeqo shacabka reer Falastiin.

Shabakada RT.com ayaa waxay shaaca ka qaaday in kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ay iibineyso kabaha dahabka ee Cristiano Ronaldo, si lacagaha ka soo xarooda loogu deeqo Falastiin.

Ronaldo oo ku caan baxay kaalmeynta dadka itaalka liita ayaa wuxuu lacagtaan uu u qorsheeyay in lagu kaabo dugsiyada waxbarasho ee ku yaala dalka Falastiin, oo uusan caalamku weli u aqoonsan Dowlad madax banaan.

Telefishinka Qaranka ee Wadanka Ruushka ayaa wuxuu shaaciyay in xidiga magaca weyn ee Ronaldo, uu shacabka reer Falastiin uu si geesinimo leh uu ugu deeqay adduun lacageed oo gaareysa 1.5 Milyan oo Euro.

Tallaabada uu qaaday laacibkaan u dhashay dalka Portugal ayaa waxaa durbaba si weyn looga soo dhaweeyay dalalka ku yaala Bariga Dhexe, waxaana lagu sheegay inay tahay tallaabo laga filan karo inay ku daydaan ciyaartoyda kale ee dunida magaca ku leh.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)