Xidigaha Frank Lampard iyo Ashley Cole oo la shaaciyay inay ka tagayaan kooxda Chelsea

Tan iyo markii tababare ku meel gaar ah loo soo magacaabay kooxda kubadda cagta ee Chelsea, ayaa waxaa durbaba soo shaac baxeysa inay kooxdu isaga tagayaan xidigaha kala ah Frank Lampard iyo Ashley Cole.

Tababare Rafa Benitez oo maanta ka soo dhex muuqday Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in qorshihiisu uu yahay, inay kooxdu isaga tagaan laacibiinta in muddo ahba la soo halgamaayay kooxda Chelsea.

Tababare Rafa Benitez ayaa ku cel celiyay inay u badan tahay inay kooxdu ka tagayaan Frank Lampard iyo Ashley Cole, kuwaa oo uu labaduba ka dhacaaya heshiiska ay kula jooggaan kooxda Chelsea.

Inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ayaa wuxuu tababaraha kooxda Chelsea uu sheegay in labadaan ciyaartoy ay baaqi ku sii ahaan doonaan garoonka Stamford Bridge, isagoo xusay in xilli ciyaareedkaan kadib aysan labaduba sii jooggi doonin kooxda, sida uu sheegay.

Su’aal u muuqatay mid culus inay tahay oo la weydiiyay tababare Rafa Benitez, aheydna in uu soo dhamaaday mustaqbalkii labada ciyaartoy ee Chelsea, ayaa wuxuu sheegay inay sidaasi u badan tahay.

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Chelsea Rafa Benitez ayaa wuxuu sheegay in uu isagu uu sii jooggi doono kooxda Chelsea toddobada bilood ee soo socoto, xilligaasoo uu kaga egyahay heshiiska uu kooxda kula jooggo



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)