Wasiirka gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo booqashada wasiirka ay qeyb tahay safaro uu ku tagayay qaar ka mid ah magaalooyinka gobolada dalka.Wasiirka gaashaandhiga ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Maxamed Xuseen Afaraale iyo saraakiil ciidan.Kulan ayaa la sheegayaa in haatan xarunta ADC-da ay ku leeyihiin Wafdiga wasiirka, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Saraakiisha Itoobiya.Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlayaa sidii loo dar dar gelin lahaa howl galada ka socda labada gobol, isla markaana deegaanada ay wali gacanta ku hayaan Shabaab looga saari lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka uu wado lacago mushaaraad ah oo la siinayo Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ka cabanayay mushaar la’aan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Baay ayaa dhowaan cabasho u gudbiyay wasaarada gaashaandhiga, kuwaasoo sheegay in muddo sanad aanay wax xuquuq ah aysan helin.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa horay booqasho ugu tagay magaalooyinka Garbahaarey, Jowhar, Kismaayo iyo Marka, waxaana la xiriirta sidii loo dar dar gelin lahaa howl galka lagula dagaalamayo Al-Shabaab, isagoo ciidamada dhiira gelinayay.

Xafiiska Wararka Idaacada STN Ee baydhabo


Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)