Wasiirka gaashaandhiga dowlada soomaaliya iyo maamulka gobolka bay ayaa kawada hadlay sida xarakada AL-shabaab looga saari lahaa qeybaha gobolkaasi ey kaga sugan yihiin

wasiirka gashaandiga ayaa sheegay in mar dhaw laga xureen doona xarakadaal-shabaab. qeybaha ay kaga sugan yihiin gobolkaasi tibaxayna in la isku furi doono jidka isku xira baydhabo iyo muqdisho.

C/xakiin Fiqi  ayaa sheegay in Baydhabo uu geeyay mushaar ay dowladda u soo dirtay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in la siin doono ciidamada meel walba ay joogaan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Socdaalka Wasiirka gaashaandhiga ku joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehliya Xildhibaano ka soo jeeda gobolka, Saraakiil ciidan uu ka mid yahay Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. Diini.

Mar Wasiirka wax laga weydiiyay kulamada uu la qaatay saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka wada hadleen howl galada ka socda goboladaas,

Wasiirka ayaa cadeeyay in kulamada uu la qaatay saraakiisha ciidamada ay ka wada hadleen sidii dhowaan loo qaadi lahaa howl galo, isla markaana deegaanada wali ku haray gacanta Al-Shabaab looga xoreyn lahaa sida uu yiri.  “Socdaalkeyga wuxuu qeyb weyn ka yahay sidii loo dar dar gelin lahaa howl galada ka socda gobolada dalka ay ka wadaan Ciidamada qalabka sida”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhowaanahan socdaalo ku tagayay magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab, si uu u dhiira geliyo ciidamada xooga dalka.

xafiiska wararka  idacada STN Ee baydhabo

 



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)