Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan wax ku barata

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Khartoum kumanaanka Ardayda Soomaalida ee dalkaas wax ku barata, isagoo ku dhiira geliyay in wixii ay soo bartaan ugu faa’ideeyaan dadkooda Soomaaliyed.

Khudbada uu u jeediyay Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysa ayaa waxaa uu ugu horeyn ku soo hadal qaaday xaalada Soomaaliya iyo is bedelada ka jira.

Madaxweynaha ayaa uga digay Ardayda soomaalida inay naftooda ku biimeeyaan dhulka saxaraha iyo badda, si ay ugu tallaabaan dalalka Yurub.

Waxaa uu ugu baaqay in aysan ku walaaloobin kooxeysi iyo qabiil, balse ay sameeyaan isku duubni, maadaama ay ku joogaan magac Soomaaliyed.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xalay waxaa casho sharaf u sameeyay dhigiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh ka mahadceliyay.

Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya, waxaana Madaxweynaha Sudan uu balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maanta soo gaba gabeeyo booqashadiisa dalka Sudan ku joogo.

xafiiska wararka Idacaada STN Ee dalka sudan



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)