Soomaalida Maraykanka oo ku biiraya Shaqaalaha Dab damisyada dalkaasi

Dhalinyarada kunool Wadanka Maraykanka ayaa iyaga haatan isku dayaya in ay qeyb libaax leh ka qaataan howlaha dab damisyada ee gobolada

Dhalinyarada kunool Wadanka Maraykanka ayaa iyaga haatan isku dayaya in ay qeyb libaax leh ka qaataan howlaha dab damisyada ee gobolada wadankaasi.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegaysa in Soomaalida ay haatan ka mid noqon doonaan shaqaalaha dab damisyada  iyagoo waliba qeyb ka qaadanaya howlahaasi.

Waxaana lagu sheegay warkan in ay u badnaan doonaan Shaqaalahaasi kuwa kunool magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Cabdikhadir Yasin Warsame waa mid kamid ah dadka kunool Gobolka Minnesota waxaana uu sheegay in ay si wacan uga faa’ideysan doonaan fursada walbo oo kasoo iftiimta Shaqooyinka wadankaasi Maraykanka

Waxaana uu sidoo kale sheegay in aysan ku ekeen shaqooyinkan Dab damisyada ah kaliya magaalada Minneapolis waxaana uu sheegay inaay iyana qeyb ka tahay Magaalada Sampaolo ee isla Gobolkaasi.

xafiiska wararka idacada STN ee dalka America



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)