Xarakada al-shabaab oo sheegatay guulo

xarakada shabaab ayaa ka warbixisay howlgallo ay ciidamada maalmihii lasoo  dhaafay ka sameynayeen degmooyinka iyo deegaanada  ay ku suganyihiin cidamada nabad ilaalinta amisom.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla madaxa  shabeelaha Hoose oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka  ay  ku qarxiyeen magaalada Marka ayna khasaara xoogan soo gaaray.

Wuxuu Carrabka ku adkeeyay in qarax ka dhacay Buundo bilan lagu laayay ciidan Burundi u dhashay sidoo kale  ayuu  faah faahiyay dagaal maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Leego halkaasi oo saraakiil AMISOM ah lagu dilay qalab isgaarsiineedna lagu furtay.

Abuu Cabdalla ayaa soo hadal qaaday in DF-ka iyo AMISOM ku fashilmeen cilaaqaad ay lasameeyaan shacabka  kadib dhaqamo xun oo ay la tageen gobolka.

Wuxuu sheegay in uu soo nooleeyay dhaqamo xun oo sanado ka hor gobolka laga suuliyay sida hanaanka foosha ee lagu gumeysan jiray dadka muslimiinta ah gaar ahaan beelaha qaar.

xafiiska wararka idaacada STN ee muqdisho



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)