Beesha Maxamuud Hirab Oo loo Xukumay 100 Halaad Geel ah iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan Oo loo Xukumay 2,800 Halaad .

Waxaa heer gaba gaba ah maraya shirkii lagu Heshiisiinayay beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanno  Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Shirka oo maalmo qaatay ayaa ka socda deegaanka Laanta Miraayo oo 30 KM ujira degmada Xiindheere ee gobolka Galguduud.

Sheekh Xasan Yacquub oo kamid ah mas’uuliyiinta isku taagtay xal u helidda colaadda ayaa sheegay in maxkamadda ay labada dhinac ukala xukmisay dhiigga ay isku leeyihiin.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay go’aanka maxkamadda kasoo baxay oo dhigaya in laba beelood ee Reer Xaaji Saleebaan iyo Maxamuud Hiraab bixiyaan diya Mughaladda ah oo macnaheedu yahay (Diyo Adag”.

Go’aanada Maxkamadda¬† kasoo baxay ayay labada beelood ogolaadeen.

Ugu horreyn waxaa xaaraan ah in labada beelood mar kale

1.beesha Maxamuud Hiraab waxay bixinaysaa Diyada 28 rag ah oo ay ku dishay dagaalkii labada beel ku dhax maray Laanta Miraanyo Baalla weyn.

2-Beesha Maxamuud Hiraab waxay beesha Reer Xaaji Saleebaan siinaysaa 2,800 Neef Geel ah (Laba kun iyo Sideed boqol neef oo geel ah), oo neef waliba suuqyada gobalka Galguduud uu ka joogo 9 milyan shilin Soomaali ah.

3-Beesha Reer Xaaji Saleebaan waxay bixinaysaa diyad Hal Nin oo ay beesha kale ka dishay.

4-Beesha Saleebaan waxaa laga rabaa in ay bixiso Boqol Halaad oo Geel ah oo Halkii Neef ee geel ah suuqa Galguduud ka joogo (9,000 Milyan Sh.Somaali).

5-Dhaawacyada laba dhinac iska dhaawaceen waxaa xaaladooda la socanaysa maxkamadda islaamiga Galguduud waxaa kale oo xal laga gaari doonaa baraagihii lagu dagaalamay.

6-waa in beeluhu dhiigga ama diyada ku bixiyaan muddo 15 bilood ah.

Intaasi kadib beesha Maxamuud Hiraab waxay si hor dhac ah ahaan u bixisay 280 neef oo geel ah halka beesha Reer Xaaji Saleebaan ay horudhac ahaan u bixiyeen 10 neef oo geel ah.

Ugu Dambeyntii Sheekh Xasan Yacquub ayaa beelaha Galguduud ugu baaqay in ay ka joogsadaan daadinta dhiigga.

xafiiska wararka idaacada STN ee galguduud



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)