Maxaa kala heesto caawa wadamada Nigeria v Burkina Faso
Kulanka finalka ee maanta ka dhacaya Johannesburg ayaa waxa uu u dhaxeeyaa xulka Nigeria oo koobkaan qaaday labo jeer 1980kii iyo 1994tii iyo xulka Burkina Faso oo waligiis aan kulan koobka Qaramada Afrika ah ku badinin dhul ajnabi ah ilaa iyo koobka sannadkan mooyee.
Burkina Faso ayaa markii ugu fiicneyd ee koobkaan waxa ay yimaadeen semi-final waana sannadkii ay iyaga martigelinayeen ee 1998dii.
Kulanka: Nigeria v Burkina Faso Garoonka: Soccer City Stadium Waqtiga: 9pm SGA
NIGERIA
Angola
Enyeama
Ambrose, Oboabona, Omeruo, Elderson
Onazi, Mikel, Mba
Ideye, Emenike, Moses
BURKINA FASO
Morocco
Diakite
Koffi,B. Kone, Koulibaly, Panandetiguiri
D. Kone, Kabore, Rouamba, Pitroipa, Nacoulma
Bance
Burkina Faso ayaa rajeyneysa inay minguuriso Zambia oo ay koobka Qaramada Afrika qaado markii ugu horeysay taariikhdooda.
Xulka Burkina Faso ayaana dad badan ka yaabsaday markii ay gaareen finalka, laakiin waxa ay wajihi doonaan xulka Nigeria oo carcar ay ka muuqato.
Super Eagles ayaase waxaa haya walaac dhanka dhaawaca ah, xiddigdahooda Victor Moses iyo Emmanuel Emenike ayaa tababarka ka fariistay dhaawac dartiis. Burkina Faso ayaa iyagana ku farxay markii ay ku guuleysteen racfaankii ay ka qaateen casaankii la siiyay Jonathan Pitroipa, laakiin waxaa dhaawac kaga maqnaan doona gooldhaliyahooda Alain Traore.
stnradio.com
idaacaddastn@gmail.com

