arax iyob dagaalo daba socday ayaa ka dhacay waqooyiga dalka maali
nin u hadlay askarta faransiiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay waqooyiga dalka maali gaar ahaan magaalada gaaw iyadoona qaraxa uu daba socday dagaal ka dhacay goobo badan oo dhaca waqooyiga dalkaas inkastoo iminka uu soo laabtay daganaashihii caasimada bomako kadib qaraxyo ka dhacay jimcihii kuwaas oo ay ku dhinteen 2 qof halka dhaawacna uu kasoo gaaray 13 kale
qaraxa ayaa dhacay 11:00 waqtiga caalamiga ah
ninka u hadlay askarta faransiiska ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhacay meel10km u jirta xarun ciidamada farnsiiska ee ku lee yihiin garoonka gaaw
sidoo kale dagaalo waxyeelooyin geystay ayaa ka dhacay waqooyiga dalka maali iyadoona dagaaladaasi ay u dhaxeeyeen ciidamada maali oo kaashanaya kuwa hol-galada u jooga dalkaasi ay ka socda dalka farnsiiska iyo kooxaha dawaariq kuwaa la dagaalama ciidamada maali iyo ku hol-galka u jooga dalkaasi iyagoona jabhada laga saaray magaalooyin fara badan oo ay horay u maamuli jireyn
howl-galka maali ayaa waxaa dhawaan kusoo biiray dalal kala duwan oo ka tirsan ururada midawga yurub iyo kan africa
dalka maali ayaa mudooyinkii danbe waxaa ka dhacayey qaraxyo lal eeganayo ciidamada howl-galka kawada dalkaasi maali iyo kuwa dalkaasi
stnradio.com
W/D:C/qaadir Cali Xasan

