Ciidamada NATO ee dalkaAfganistan oo loo magacaabay taliye cusub Jeneral John Allen
Jeneral John Allen oo xilka wareejiyay maanta ayaa sheegay in markii ay ciidamada ka baxaan Afganistan in ciidamada qaar ay ku hari doonaan dalkaas.
Jeneraalka Maraykanka Joseph Dunford, ayaa kala wareegay xilka ciidamada Nato ee Afganistaan taliye John Allen munaasabad lagu qabtay magaalada Kabul ee dalka afganistan.
Jeneral Dunford, wuxuu masuul ka noqon doonaa ciidamada Maraykanka markay ka baxayaan Afganistaan. Markuu xilka wareejinayay ayuu BBCda qeebteeda ingiliishiga u sheegay in ciidamada isbahaysiga ay ku guulaysanayaan dagaalka ay kula jiraan Talibaan. Ee ka dagaalanta wadamada Pakistan iyo afgaanistan
Jeneral Joseph Dunford ayaa maanta xilka Nato la wareegay.
Ciidamada Afganistan ayaa hadda hogaamiya howlgalo waawayn, laakiin Jeneral Allen ayaa sheegay in Nato ay u baahan tahay dulqaad iyo inay caawiyaan ciidamada Afganistaan
stnradio.com
idaacaddastn@gmail.com
W/D:C/qaadir Cali Xasan

