Xarakada al-shabaab oo ku hanjabay inay dili doonaan muwaadin u dhashay dalka Kenya oo ay gacanta ku hayaan
Mid ka mid ah muwaadin Kenyan ah oo gacanta ugu jira Ururka Al-shabaab oo lagu magacaabo Komora Yesse da’diiusna ay tahay 26,sano jir,ayaa qeylo dhaan ku aadan in laga sii daayo gacanta xarakada Al-shabaab wuxuu u diray dowlada Kenya,isagoona tilmaamay in Nafsadiisa ay qatar aad u xoogan ku jirto.
Komora Yesse,oo ka soo muuqday muuqaalka barta Youtube ay soo dhigeen xarakada Al-shabaab ayaa waxaa laga dheehanayay murugo iyo oohin ku aadan sidii dowlada Kenya isugu taxluujin lahayd ka furashada muwaadinkaasi gacanta Al-shabaab oo horay dalka Kenya maxbuus ahaan looga soo qabtay.
Al-shabaab ayaa hanjabaad ku aadan inay dili doonto u jeediyay Komora Yesse hadii dowlada Kenya aysan isku taxluujin ama ay ka soo jawaabi weyso dalabaad horay xarakada Al-shabaab kaga soo baxay oo ahaa in lakala wareejisto maxaabiista labada dhinac u kala xiran.
Yesse ayaa ugu danbeyntii codsi u diray madaxda dowlada Kenya oo ku aadan in dadaal loo galo sidii looga sii dayn lahaa gacanta xarakada Al-shabaab,isagoona muujiyay in nafsadiisa qatar ay ku jirto hadii sida ugu dhaqsiyaha badan jawaab loo siin waayo.
xarakada Al-shabaab ayaa waxaa gacanta ugu jira rag ajaaniib ah oo u dhashay wadamo kala duwan,kuwaasi ay ku doonayaan inay ku badalaan raga kale ee Shabaabnimada ku eedeeysan ee dunida dacaladeeda ku xiran.
Dhawaan ayaa xarakada Al-shabaab waxay fariin digniin ah u jeediyeen dowlada Kenya oo ku aadan inay dili doonaan lahaystayaal u dhashay dalka Kenya,taasi oo dowlada Kenya ugu jawaabtay in shabaab aysan la galeyn wax gorgortan ah.
stnradio.com
idaacaddastn@gmail.com

