Ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa amison oo la wareegay deegaano cusub

ciidamada qaranka soomaaliyeed iyo kuwa midowga afrika amisom ayaa waxay maanta la wareefeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose kuwaasi oo ay hore u maamuli jireen xarakada al-shabaab
deegaano istiraa tiija ah ayee howlgalo la tilmaamay ka dib ay ku guuleesteen inay gacanta si buuxda ay ugu qabtaan waxaa sidaasi qortay wakaalada wararka ee APnews agency
Deegaanada ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Baiire, Aw-Dhiigle iyo deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose kuwaasi oo wax yari u jira wabiga shabeele
qabsashada deegaanadaan ayaa la tilmaamay inay qeeb ka noqon doonaan lawareegistay wadada isku xirta afgooye iyo marka oo sii mara dekada baraawe oo 200km dhanka koonfur galbeed ka xigta magaalada muqdisho ee xarunta dalka
sedexda deegaan ee lala wareegay ayaa waxay magaalada muqdisho u jiraan 60km, 72km, iyo 90km
xarakada al-shabaab ayaa hore waxaa loogala wareegay deegaano istiraatiiji ah oo ay kamid yihiin afgooye , marka, kismaayo iyo deegaano kale oo ay ka talin jireen ciidamada xarakada al-shabaab
stnradio.com
idaacaddastn@gmail.com
WD:C/qaadir Cali Xasan
