Dadka Sucuudiga oo Noqday Kuwa ugu Hamiga Badan Dunida Carabta


Dalka Sucuudiga ayaa noqday dalka shacabkiisu, gaar ahaan dhallinyaradu ugu hamiga iyo fikir-mustaqbaleedka fiican yihiin waddamada kale ee Carabta, kadib markii uu kaalinta 12aad ka galay daraasad khubaro Ingiriiska ah ku baadhaayeen bulshada adduunka ugu fikirka wanaagsan.

 

Daraasaddan oo la magac-baxday Tusmada Fikirka Mustaqbalka (Future Orientation Index) oo ay soo saareen laba khabiir oo la kala yidhaa Dr. Suzy Moat oo wax ka dhiga Jaamacadda UCL (University College of London) iyo Tobias Preis oo ka tirsan dugsiga ganacsiga ee Warwick Business School, waxay natiijada cilmi-baadhistooda ku shaaciyeen in waddanka Sucuudigu kaalinta 12aad kaga jiro kala-horreynta dalka dadkoodu ugu fikirka fiican yihiin adduunka, waxana ka horreeya Maraykanka oo ku jira booska 11aad.

 

stnradio.com

idaacaddastn@gmail.com

W/D:Ustaad C/Casiis Cali Guuleed

 

Dr. Moat iyo Pries waxay cilmi-baadhistoodan la kaashadeen shirkadda Google si ay wax ugala qabato macluumaadka dalalka adduunka, waxana kaalinta 1aad fadhiya Jarmalka, waxana ku xiga waddamada Switzerland iyo Japan.

 

?Waddamada internet-ka aadka looga isticmaalo ee uu awoodda ku leeyahay waxaannu ku aragnay baadhitaankayaga dadka ka raadsanaya talooyinka mustaqbal ee ay danahooda ku raadsanayaan, waxaanay daraasadayadan mustaqbal-raadisku soo jiidatay aragtiyo caalami ah oo kala duwan oo dadku ku raadsanayaan arrimo dhaqaale,? ayuu Dr. Moat u sheegay raadiyaha NPR (National Public Radio) oo dalka Ingiriiska laga leeyahay.

 

 

 



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)