Nabadoon Caan ah oo lagu dilay gobolka Galgaduud.

Warar naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dilay Nabadoon aad looga yaqaanay gobolkaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/laahi Odawaa Barqad waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Ceel-cali oo ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee govbolka Galgaduud.

Warar is khilaafsan ayaa soo baxaya waxaana wararka qaar ay shegayaan in nabadoonka ay dileen Xarakada Alshabaab sida uu sheegay Masuul u hadlay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada dhexe.

Warar  kale ayaa sheegaya in aanooyin qabiil uu dilkaan salka ku hayo sida ay wararka tilmaamayaan.

Gobolka Galgaduud qeybo ka mid ah waxaa ka arrimiya Ahlusunna Waljamaaca iyo Xarakada Alshabaab ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Alshabaab oo ku aadan dilkaan.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)