Wasiirka Hawlaha Guud oo maanta u dhoofay dalka Suudaan.

Muxyiddiin Maxamed Kaalmooy iyo Wafddi uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo intii uusan ka anbabixin Garoonka Muqdisho Saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay inuu Casuumaad ka helay Dalka Suudaan isla markaana uu haatan ka jawaabayo casuumadda loo fidiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kaalmooy ayaa sheegay in mudada uu joogo Dalka Suudaan inuu kula la qaadan Wasaaraddaha ay isku shaqada yihiin isla markaana ay kala hadli doonaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dib u dhiska Dalka Soomaaliya

Wasiirka hawlaha Guud ayaa Safarkooda Suudaan kaddib waxa uu sheegay in sidoo kale ay booqan doonaan Dalka Masar isla markaana madaxda dalkaasi ay kala hadli doonaan xiriirka labada Dal.

Wasaaradda hawlaha guud ayaa sida la ogyahay muddooyinkii danbe waxa ay tafa xeeydasho ugu jirtay dhismaha xarumihii dawladdii dhexe ee bur buray taasoo Wasiirku hore u sheegay in ay sameynayaan Daraasad xoog leh.

Muqxyiddiin kaalmooy ayaa sheegay in daraasadaaka ay samaynayaan ay qaadan karto ama loo qaybin karo qorshaha dhow iyo qorshaha fog iyadoo sida ay qorshayaashu u kala dhow yihiin wax loo qabanayo.

Wasaardda Hawlaha Guud ayaa hore sidoo kale u ballan qaaday in ay dayac tir ku samayn doonto Waddooyinka Dalka gaara ahaana Waddooyinka magaalada Muqdisho oo xiligan bur bur xoog lihi uu ka muuqdo iyadoo arrintaana kala kaashanaysa Dawladda Turkiga.

Si Kastaba Wafdigan uu hor kacayay Wasiirka Hawlaha guud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Xubno wasiira ah oo ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)