Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyay laba ruux xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay kooxo bastoolado ku hubeysan ay halkaasi ku dileen laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Mudug maamulka Puntland Jaamac Maxamed Axmed oo  Warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inuu jiro falkaas dilka ah Ciidamada ay wadaan howlgalo baaritaan ah.

Laba ruux oo dadka deegaanka ka tirsan ayaa xalay lagu dilay Xaafada Garsoor ee dhanka Bari magaalada Gaalkacyo waxaana dilkaasi ka dambeeyey kooxo hubeysan oo aan heebtooda la aqoon.

Taliyuhu wuxuu sheegay in kooxaha hubaysan ay fuliyeen falkaasi taasina ay tahay arrin naxdin leh isaga oo sheegay in kooxaha dilka geystay sidoo kale ay dhaawacneen qof kale oo xaaladiisa Caafimaad ay aad u liidato.

Lama garanayo ilaa iyo hadda cida ka dambeysay falka dilka ah ee loo geystay labadaasi ruux oo ka mid ah dadka deegaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Maalmahan dambe Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa mid xaalada amaan faraha ka sii baxayay iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal kale oo qorsheysnaa.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)