Maamulka Sh/dhexe oo qorsheynaya inay la wareegaan 5 Degmo oo ka tirsan gobolkaas.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qorsheynayaan la wareegitaanka 5 Degmo oo ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyada ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay la waregayaan deegaanada aysan iminka joojin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Cali Cismaan Ibraahim Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada maamulka Sh/dhexe wuxuu sheegay in howlgalkii shalay lagula wareegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar uusan noqon doonin mid istaaga uuna sii socon doono ilaa iyo inta guud ahaan gobolka ay kala wareegayaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka gobolka Sh/dhexe inay taageeraan maamulka dowladda sida uu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya xili maalintii shalay Ciidamada  dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha Degmada Jowhar waxayna saraakiishu sheegeen inay qorsheynayaan inay la wareegaan degaano hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)