WAR DEG-DEG AH: Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo goor dhow soo gaaray Muqdisho.

Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa goor dhow oo maanta ah booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa inay kullamo la qaataan mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ka socda dowladda Mareykanka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo wafdiga ka socda dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin Xiriirka labada dal.

Wafdigan maanta soo gaaray Muqdisho kana socda dowladda Mareykanka ma ahan wafdigii ugu horeeyey ee soo gaara Magaalada Muqdisho.

Amaanka Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde oo wafdiga Mareykanka soo gaaray waxaa si aad ah u adkeeyey Ciidamada AMISOM iyadoo la hakiyey duulimadka shacabka ee Garoonkaasi.

Warkan wixii ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe Insha Allaah.



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)