Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya kullan dhexmaray Madaxweynaha iyo masuul ka socday Kongareyska Mareykanka.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kullan maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mas’uul ka socday Baarlamaanka Dalka Mareykanka oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mr. Cetalisan oo ka tirsan Xildhibaanada Congareyska Mareykanka ayaa ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya.

Mr. Cetalisan waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka gacan siinta Dowladda Soomaaliya horumarinta dalka, isagoo intaasi ku daray in dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhaxeeyaan xiriiro soo jireen ah oo aad u wanaagsan.

Xildhibaanka ka tirsan Congareyska mareykanka waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaashaha uu yimid magaalada Caasimada ah Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa xiriirka ka dhaxeeya ayaa soo hagaagaya tan iyo markii dowladda Mareykanka dhawaan ay shaacisay inay aqoonsatay dowladda Cusub ee Soomaaliya.

 

 



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)