MIDOWGA YURUB OO SOO DHAWEEYAY ANSIXINTA WASIIRADA CUSUB ee soomaaliya


Madaxa siyaasadda arimaha dibadda Midowga Yurub  Catherine Ashton ayaa waxa ay sheegtay in si weyn ay u soo dhaweynayaan ansixinta Golaha wasiirada ay Baarlamaanka Soomaaliya maalintii shalay aheyd ay siiyeen codka kalsoonida.

Madaxa siyaasada arimaha dibada ee Ururka Midowga Yurub Catarina Ashton ayaa sidoo kale waxa ya tilmaamtay in aad ay ugu faraxsan yihiin in laga gudbo muranka hareeyay Baarlamaanka ee ku aadan siinta codka kalsoonida Golaha wasiirada,waxa ayna dhanka kale tilmaamtay in Midowga Yurub uu garab taagan yahay dowlada cusub ee Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo Magaca dhamaan Ururka Midowga Yurub waxaan si cod buuxa ah u soo dhaweyneynaa habka qurxoon ee loo ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya taasina waxaa ammaanteeda iska leh Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya,waxaana balanqaadeynaa in dowlada cusub ee Soomaaliya si hagar la’aan ah ula shaqeyno oo ka wanaagsan sidii dowladihii hore soo maray dalka ula shaqeyn jirnay, ayaaey tiri Mr Catarino Ashitou ka warameysay sida ay  u aragto ansixinta golaha wasiiradcusub ayeey tiri  ”

Ugu danbeyntii hadalka soo dhaweynta ee ka soo baxay Midowga Yurub ayaa ku soo aadaya,xilli Maalintii shalay oo talaado ay ku beegneyd ay codka kalsoonida ay siiyeen Baarlamaanka Soomaaliya Golaha wasiirada ee dhawaan uu soo magacaabay raisul wassre Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.oo hortay golha shacabka oo cod aqlabiyad ah helay



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)