Midaowga yurub oo kulan ka yeelanayo xaladaha dalka somaliya

kulanka ayaa waxaa ka qeyb gali doono Saraakiil sar sare oo ka tirsan midowga yurub oo ay ka mid yihiin saraakiisha midowga Yurub gaar ahaan kuwa hogaaminaya howlgalka lamagac baxay AThlanta ee loogu soo horjeedo burcad badeeda Soomaalida.

sida warar hordhac ah oo laga helayo kulanka lagu wado in uu ka dhaco 19 bishan Novenbar Magaalada Barasalis  ee dlak Belgimka ayaa inta badan lagu gorfeyn  doonaa howlaha burcad badeeda Soomaaliya farqiga u dhaxeeya sanadkaan iyo sanadkii hore inta weerar ay qaadeen burcad badeeda Soomaalida sanadkaan iyo sanadkii isbadalada laga dareemayo hadii ay jiraan hoosdhac iyo sare ukac sanadkaan,waxaana sidoo kale meesha ka marneyn taageerada la siinayo dowlada Soomaaliya hadii ay noqotay dhanka howlgalada lagu doonayo meesha laga saarayo xarakada  Al-Shabaab.

waxaan uu taageerada ugu balaaran ururka midawga yurub siindoona la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo hada meel gababa ah maraya,

sidookale waxaa  meesha ku jira oo kulanka loogu hadli doonaa xaaladaha wadamo badan oo dunida ah ooay soomaaliya kun jirto  laakiin ahmiyada shirka waa  xaalada Soomaaliya ayuu yiri mid ka mid ahsarakiisha midawga yurub

sarkaalkani oo la  hadlayay wargeyska independent eeka soo baxa dalka ingariiska .

kulankaan ay isugu imaandoonaan wasiirada gaashaandhiga ee midowga yurub ayaa waxaa lagu wadaa in lagu marti qaado xogayaha guud ee isbaheysiga Gaashaanbuurta NATO Andress Fooq kaasi oo sida la sheegay furayo hadalka kulanka looga hadlayo arimaha burcad badeeda Soomaalida.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



Info@stnradio.com
admin@stnradio.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)